Xulufada Ukraine oo ka arrinsanaya qorshaha nabadda Ukraine ee Donald Trump

Bahwadaagta Ukraine ayaa doonaya inay ‘’xoojiyaan’’ qorshaha Maraykanka ee lagu joojinayo dagaalka Ruushka marka ay ku kulmaan shir madaxeedka G20 ee ka dhacaya Koonfur Afrika, sida uu sheegay ra’iiusl wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer.

Shirka ayaa bilaabanaya maalin uun ka dib markii madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu ka digay in Ukraine ay wajahayso ‘’mid kamid ah waqtiyada ugu adag taariikhdeena’’ iyada oo cadaadis lagu saarayo inay aqbalaan qorshahaas, waxaana faahfaahino la soo dusiyay uu qorshuhu u muuqdaa inuu u janjeero Moscow.

Zelensky ayaa ayaa khadka taleefonka kula hadlay Keir iyo hoggaamiyayaasha Faransiiska iyo Jarmalka Jimcihii. Ka dib, ra’iisul wasaaruhu waxa uu sheegay in ‘’saaxiibada iyo bahwadaagta’’ Ukraine ay wadahadal ku yeelan doonaan shirka G20 si ay uga arrinsadaan qorshaha nabadda ee aqalka cad.

Labadooda Trump iyo Putin midkoodna kama qayb galaya shirka G20 ee ka dhacaya Koonfur Afrika

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker