Qiimaha Laydhaka Magaalooyinka Somaliland oo La Jabiyaay
Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in la jebiyey qiimaha laydhka ee dhamamanba magaalooyinka Somaliland kaas oo noqonaya 0.59 cent halkii unit. Marka laga reebo magaalada Berbera oo uu yahay 0.20 cent.
Arrinkan ayaa ka dhigan in laydhka caasimadda Hargeysa ee ahaa 0.73 cent laga dhigay 0.59 cent.
Amarkan ayaa dhaqan gelaya laga bilaabo 1 bisha December ee sannadkan.
Qiimo jebinta laydhka ayaa qayb ka ahayd arrimihii uu ololaha ku galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro kaas oo cod aqlabiyada lagu doortay sannadkii 2024.




