Taliiska Ciidanka Qaranka oo Sheegay inanay Askar ahayn Xubno Saaka Mudaharaaday
Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu beeninayaa wararka lagu baahiyey baraha bulshada ee lagu sheegay in xubnaha maanta mudaharaadka ka hor sameeyey wasaaradda Gaashaandhiga ay yihiin Ciidan Qaran.
Taliska Guud Ee Ciidanka Qaranku waxa uu cadaynayaa in xubnahaasi aanay ka mid ahayn Ciidanka Qaranka, balse ay yihiin shaqaale ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland. Isla-markaasna aanay jirin wax xuquuq ah oo kaga maqan Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka.




