RSF oo sheegtay inay qabsatay saldhigga ciidamada Sudan

Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Sudan (RSF) ayaa sheegay in ay qabsadeen xaruntii ciidamada ee magaalada go’doonsan ee El-Fasher, taasi oo muujinaysa marxaladda uu isu beddelay dagaalka sokeeye ee dalkaasi.

War ay kooxdu soo dhigtay baraha bulshada ayay ku sheegtay in ay burburisay “Gaadiid dagaal oo aad u badan, isla markaana ay ka qabsadeen qalab ciidan oo yaallay xarunta taliska qaybta 6-aad ee ciidanka.

BBC Verify ayaa xaqiijisay xaqiiqada muuqaallada ku wareegaya baraha bulshada ee muujinaya dagaalyahannada RSF ee ku sugan gudaha saldhigga ciidanka.

Khasaaraha soo gaaray xarunta ayaa dhabar jab weyn ku ah ciidamada dowladda iyadoo el-Fasher ay tahay xaruntii ugu dambeysay ee ay ciidanka Sudan ka joogeen gobolka Darfur, taasoo keentay in RSF ay si hufan gacanta ugu dhigto deegaanka. Ciidanka ayaan weli ka hadlin arrintan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker