๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan xog-warran ah la yeeshay Ganacsatada Dalka, isaga oo ka warbixiyey hab-sami-u-socodka hawlaha Qaranka guudahaan, gaar ahaana Safarradii Shaqo ee uu ku tegay Dalalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, iyo arrimaha wax-ku-oolka ah ee Qaran ahaan innooga soo kordhay.
Madaxweynuhu waxa uu faahfaahin ka bixiyey natiijooyinka diblomaasiyadeed ee ka dhashay kulamadii uu la yeeshay madaxda sare ee dalalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya, kuwaasi oo lagu xoojinayay xidhiidhka amni, ganacsi, maalgashi, iyo iskaashi dhaqaale oo waxtar u leh Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu Ganacsatada u xaqiijiyey in nabadda, midnimada iyo wadajirka ummadda Somaliland ay yihiin ahmiyadda koowaad ee Xukuumaddiisa. Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu Ganacsatada dalka uga warramay hab-sami-u-socodka arrimaha Gogosha Nabadda ee Ceerigaabo, isaga oo sheegay in dedaallada nabadda iyo walaalaynta bulshada reer Somaliland ee wada degta Ceerigaabo ay si wanaagsan u socdaan.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in waqtigan xaadirka ah Indhaha Dunidu ay delkeena u soo jeedaan, dedaallada ictiraaf raadinta ee ay Xukuumaddu horseedka ka tahayna ay meel wacan marayaan. Waxa uu xusay in nabaddu ay tahay Tiirka Koowaad ee ay ku taagan tahay Dawladnimada Somaliland, taasi oo la’aanteed aanay jiri karin horumar dhaqaale, maalgashi iyo aqoonsiga aynu ka rabno Beesha Caalamka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Ganacsatada Dalka ku bogaadiyey doorka iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ku leeyihiin horumarka, maalgashiga iyo ilaalinta amniga iyo xasilloonida dalka. Madaxweynuhu waxa uu Ganacsatada kula dardaarmay in ay masuuliyad gaar ah iska saaraan adkaynta nabadda iyo wadajirka ummadda Somaliland, sidoo kalena ay bulshada iyaga ku xidhan ka wacyi geliyaan wax kasta oo wax u dhimaya Qarannimada, nabadda iyo wadajirka ummadda Somaliland.
Iyaguna dhankooda,
Ganacsatadii kulanka ka soo qayb gashay ayaa si weyn u soo dhaweeyey xog-warranka Madaxweynaha JamhuuriyaddaSomaliland, iyaga oo muujiyey taageero buuxda oo ay u hayaan dadaallada joogtada ah ee uu Madaxweynuhu ugu jiro xoojinta nabadda, maalgashiga, iyo kor u qaadista sumcadda diblomaasiyadeed ee Somaliland.
Kulankan ayaa ahaa mid ku dhammaaday is-faham iyo kalsooni, taasi oo muujinaysa xidhiidhka adag ee ka dhexeeya hoggaanka Qaranka iyo Ganacsatada dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker