Israa’iil oo xaqiijisay in qofkii ugu dambeeyay ee Xamaas soo wareejisay uu ahaa meyd ay horay u qafaasheen
Milateriga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in qofkii ugu dambeeyay ee lagu wareejiyay Laanqeyrta Cas ee Gaza oo dib loogu celiyay Israa’iil uu ahaa maydka qof horey loo qafaashay.
Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in la haystaha la soo celiyay uu yahay Eliyahu Margalit, oo 75 jir ah, kaas oo la dilay 7-dii Oktoobar, maydkiisana loo qaaday Gaza.
Dhimashadiisa waxay Israa’iil ku dhawaaqday December 2023, bil kadib markii inantiisa Nili – oo sidoo kale la afduubay – la sii daayay intii lagu jiray xabbad joojin ku meel gaar ah.
Margalit, oo qoyskiisa iyo asxaabtiisa ay u garanayeen Churchill, waa la haystihii tobnaad ee dhintay ee laga soo celiyo Qaza. Maydadka 18 qof oo kale ayaan weli dib loo soo celin




