𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐎𝐨 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐝𝐢𝐛 𝐮𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐤𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐒𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐬𝐢 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐮𝐮 𝐤𝐮 𝐭𝐚𝐠𝐚𝐲 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐫𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭a
Madaxweymaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta dalka ku soo laabtay, kadib safar shaqsi iyo shaqo isugu jiray oo uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweynuhu intii uu ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, waxa uu ka qayb galay kulamo Caalami ah, sida shirkii Afrika Debate ee lagu qabtay magaalada Dubai. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu kulamo la yeeshay Ganacsatada iyo Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo kala hadlay xoojinta xidhiidhka ganacsi iyo ka maalgashi ee dalkooda hooyo, iyo ka qayb qaadashada fursadaha horumarineed ee dalka Somaliland.
Waxa xusid mudan, mudadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, in uu si xooggan uga hawl galay xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay Somaliland la leedahay dalalka Caalamka, isaga oo kulamo kala duwan oo arintaasi lagu xoojinaayana la yeeshay masuulyiin sar sare.




