Meydad hor-leh oo laga helay dhismooyiinka burburay ee Qaza
Difaaca madaniga ah ee Gaza ayaa ku dhawaaqay in in ka badan 50 meyd laga soo saaray burburka hoostiisa lana geeyay isbitaalada ku teedsan Marinka Jimcihii, ka dib markii Israa’iil ay ku dhawaaqday xabbad-joojin ayna billowday inay ciidamadeeda kala baxdo.
Sarkaal ka tirsan difaaca madaniga ah Mohammed al-Mughair ayaa xaqiijiyay soo burburka laga soo saaray 55 meyd ah. Ma uusan bixin wax faah faahin ah oo ku saabsan qaabka loo dilay iyo goorta la dilay.
Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganeysa agaasimaha isbitaalka Al-Shifa, Mohammed Abu Salmiya, ayaa sheegay in 33 meyd ah loo gudbiyay isbitaallada ku yaalla magaalada Gaza, kuwaasoo ay Israa’iil weerar xooggan ku qaadday ka hor xabbad-joojinta Jimcihii.




