Kooxaha Falastiiniyiinta oo ka soo horjeedstay in maamulka Qaza loo dhiibo ajaaniib

Kooxaha Falastiiniyiinta ayaa diiday in maamulka Qaza loo dhiibo “shisheeye” waxayna sheegeen in maamulka Qaza ay tahay arrin u taalla gudaha Flastiiniyiinta.

Kooxaha Xamaas iyo Falastiiniyiinta oo ay ku jiraan Islamic Jihaad iyo Jabhadda caanka ah ee Xoreynta Falastiin ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen waxay ku sheegeen inay diideen wax “ilaalin ama maamul shisheeye” oo marinka Gaza laga hirgaliyo.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen in xukunka marinka Gaza uu yahay “arrin falastiiniyiin gudahaooda ah.”

Kooxaha falastiiniyiinta ayaa caddeeyey in mowqifkoodu uu salka ku hayo goโ€™aankooda ku aaddan madaxbannaanida qaranka, iyagoo ku nuuxnuuxsaday โ€œmustaqbalka Gaza waa in lagu go’aamiyaa rabitaanka shacabka Falastiin oo keliya.

Dhanka kale, kooxahan ayaa muujiyay rabitaankooda ah inay ka faa’iidaystaan โ€‹โ€‹qorshaha Carabta iyo beesha caalamka ee dib u dhiska marinka Gaza, ka dib burburkii baahsanaa ee uu sababay dagaalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker