Sir Tony Blair oo laga yaabo in uu hoggaamiyo maamul KMG ah oo QASA yeelaneyso

Sida ay BBC-du ogaatey, Ra’isul Wasaarihii hore ee UK Sir Tony Blair ayaa ku jira wadaxaajood la xiriira hoggaaminta maamul KMG ah oo ay yeelato Qasa dagaalka ka dib.

Hindisahan oo la sheegay in uu Mareykanku taageerayo, ayaa waxaa dhici karta in Blair hoggaamiyo maamul ay taageerayaan Qaramada Midoobey iyo dalalka Gacanka kaas oo marka la gardaadiyo dib loogu wareejin doono Falastiiniyiinta.

Sir Tony oo UK geliyey dagaalkii Ciraaq 2003, ayaa ka mid ahaa wadahadallo qorsheyn ah oo heerkoodu sarreeyo oo Mareykanka iyo xujlufadiisu ku doonayaan in xal loogu helo mustaqbalka Qasa.

Xafiiska Blair wuxuu shegay in uusan marnaba qayb ka noqoneyn qorshe lagu barakicinayo dadweynaha reer Falastiin.

BBC

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker