260 qof ayaa lagu xiray howlgal ay Afrika ka fuliyeen booliska caalamiga
Howlgalka oo booliska caalamiga ee Interpol isku xirayeen ayaa waxaa maalgeliyay dowladda UK, waxaana lagu beegsanayay shabakad dambiilayaal oo adeegsanayay baraha bulshada iyo baro kale oo digital ah si ay lacag uga helaan dhibanayaasha lagu khiyaamo jaceylka.
“In aad xiriir yeelataan qof waqti dheer ma qaadaneyso… si degdeg ah ayey aaminadaas u burburi karaan,” ayuu BBC-da u sheegay madaxda dambiyada internet-ka ee Interpol, Neal Jetton.
Dhibanayaal ka badan 1,400 oo kala jooga dalalka Ghana, Kenya, Angola iyo meelo kale ayaa lagu ogaaday howlgalka. Booliska Caalamiga waxay ku qiyaaseen in dhibanayaasha ay ku waayeen lacag dhan 2.8 milyan oo doolar.
Howgalka oo socday intii u dhexeysay bilihii July iyo August ayey booliska waxay helaan cinwaano internet-ka iyo baro bulsho oo lala xiriirinayo xubnaha wax khiyaamay.
Arrintan ayaa horseeday in la soo xiro dad badan iyo sidoo kale in la soo helay qalabka iyo kaararka wax lagu keydiyo, dokomintiyo been-abuur ah iyo sidoo kale 81 kooxo dambiyo galay oo kala jooga qaarada.
Ku dhawaad 68 looga shakiyay dambiyo ayaa lagu xiray Ghana, waxaana lala wareegay qalab gaaraya 835. Sidoo kale waxaa la helay 70-kun oo doolar.
Kuwa dadka xogtooda xada ee Ghana jogay ayaa adeegsanayay falal ay ka mid ahaayeen in ay dadka ka qaadaan lacago alaabo loogu keenayo iyo sidoo kale in ay ka duubaan muuqaal xiliga ay lamaanayaasha kulmayaan.




