Saddex dal oo Afrikan ah oo ka baxaya Maxkamadda ICC

Dalalka Burkina Faso, Mali iyo Niger ayaa ku dhawaaqay in ay si deg-deg ah uga baxayaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC), taas oo ay ku tilmaameen “aalad gumeysigu u sameystay caburin iyo cagajugleyn”.

Saddexdan dal ee askartu maamusho ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku caddeeyeen in aysan aqoonsaneyn awoodda sharci ee maxkamadda ICC ee ku taal magaalada The Hague ee dalka Holland.

“Maxkamadda ICC waxaa caddaatay in aysan qaban karin dadka ay ku cad yihiin dambiyada dagaalka, dambiyada aadanaha ka dhanka ah, xasuuqa iyo dambiyada gardarrada ku dhisan”, ayaa lagu yiri war wadajir uga soo baxay saddexda hoggaamiye.

Illaa hadda maxkamaddu kama jawaabin go’aanka saddexda dal ee Isbhaysiga Saaxil la magac baxay.

Dalalkan ayaa sheegay in ay doonayaan in ay sameystaan hannaan garsoor oo ku dhisan dhaqanka iyo hiddaha nabadoonimada ee ummadooda. Maadaama sida ay sheegeen maxamkamaddu ay u kala eexato dalalka dunida, iyadoo dalalka Afrika kula degdegta dhaleecayn iyo handaad, halka dalalka qaarna ay gefefkooda ka in-dhasaabato.

Maxkamadda ICC waxaa la aasaasay sannadkii 2002 si ay u dabagasho dambiyada xasuuqa iyo gaboodfallada bini’aadamnimada ku lidka ah. Laakiin illaa hadda 33 kiis oo ay gashay, mid mooyee intooda kale waxay ku foorareen Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker