Booliska Somaliland oo Ka Hadlay Islaan Dahab Laga Dhacay
“Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu bulshada Jamhuuriyadda Somaliland la socodsiinayaa in kiiska Dahabka laga dhacay Dhibban Sakhiya Ibraahim uu gacanta ku hayo Ciidanka Booliska JSL, gaar ahaan Hogaanka Baadhista Dambiyada ee (C.I.D).
Waxaana wada shaqayn wanaagsan kala sameeyey Hay’adaha Dawladda ee khusayso arrintani sida Ciidanka Socdaalka iyo Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradaha JSL.
Waxaa gacanta lagu hayaa eedeysanayaal u xidhan dhacdadaasi, iyadoo baadhitaanku weli socdo.
Sidaas darteed, waxaannu bulshada ka codsanaynaa in aan laga hordhicin natiijada baadhista , lana sugo warka rasmiga ah ee Ciidanka Booliska JSL.
Ciidanku iyagoo garab taagan hooyada dhibbanta ah, gudanaayana waajibaadkooda sharciga ah, waxay sameeyeen dadaal adag. Waxaanan hooyada ka codsanaynaa in ay si toos ah ula socoto hab-socodka baadhitaanka ee ka socda Xarunta Hogaanka Baadhista Dambiyada (C.I.D).”
Booliska Somaliland ayaa sida sheegay




