Faransiiska oo joojinaya iskaashigii amni ee u la lahaa dalka Mali

Wararka ka imanaya Paris ayaa sheegaya in Faransiisku uu joojiyay iskaashigii ka dhanka ah ururada Islaamiyiinta ah ee uu la lahaa Mali, isla markaana uu eryay laba diblomaasi oo u dhashay Mali — oo la sheegay inay yihiin saraakiil amni.

Tallaabooyinkan la soo sheegay ayaa yimid ka dib markii bishii hore la xiray sarkaal amni oo Faransiis ah oo ka tirsan safaaradda Bamako loogana shakiyay inuu doonayay inuu xasillooni darro ka abuuro Mali.

Mali ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in shan diblomaasi oo Faransiis ah ay yihiin persona non grata (dad aan dalka laga rabin)– laakiin waxay ka tageen Mali dhammaadkii usbuuca.

Diblomaasiga Faransiiska ah ayaa lala xiray dhowr sarkaal oo sare sare oo ka tirsan ciidamada militariga Mali.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker