Israa’iil oo ballaadhisay howlgalkeeda dhulka, xilli lagu eedeyay xasuuq

Ciidanka Israaโ€™iil ayaa ballaariyay hawlgalladooda dhulka ee Magaalada Qasa, taasoo si aan kala goโ€™ lahayn loo garaacayay tan iyo Talaadadii shalay. Tani waxay qeyb ka tahay yoolka Israaโ€™iil oo si cad ay u sheegtay in ay doonayso in ay si buuxda gacanta ugu dhigto magaalada ugu weyn Marinka ee Qasa, taasoo ay u aragto inay tahay saldhiggii ugu dambeeyay ee Xamaas.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in la joojiyo “xasuuqa.”

Arrintan ayaa timid iyadoo guddi qaabilsan dhanka baaritaannada oo madax-bannaan oo caalami ah oo hoostaga Qaramada Midoobay uu ku eedeeyay Israaโ€™iil in ay ku kacday โ€œxasuuqโ€ ka dhacay Marinka Falastiin ee Qasa intii lagu jiray dagaalka bilowday 7-dii Oktoobar 2023. Waa markii ugu horreysay ee guddi noocan ah uu soo saaro goโ€™aan ah in Israaโ€™iil ay ku kacday โ€œxasuuq,โ€ eedeyntaasi oo Israaโ€™iil ay si cad u beenisay.

Magaalada Qasa, oo ah magaalada ugu weyn Marinka, ayaa la sheegay in si xooggan oo baโ€™an loo duqeeyay, sida ay tilmaameen dad goob joogayaal ah.

Sarkaal ka tirsan milateriga Israaโ€™iil ayaa ku tilmaamay horumarka ay sameeyeen inuu yahay โ€œtallaabo aasaasi ah oo loo qaaday dhanka Qasa,โ€ isagoo xusay in ciidamada Israaโ€™iil ay ku qiyaasayaan in magaalada ay ku sugan yihiin 2,000 ilaa 3,000 oo dagaalyahanno Xamaas ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker