Romania oo noqotay waddankii labaad ee Nato ee darooniska Ruushka ku xad-gudbaan hawadooda
Romania ayaa sheegtay in diyaarad aan duuliye lahayn oo Ruushku leeyahay ay ku soo xadgudubtay hawadeeda, waa dalkii labaad ee Nato oo soo weriya duullaanka noocan oo kale ah.
Diyaaradaha dagaalka Romania ayaa ku jiray hawada iyaga oo isha ku haya weerar uu Ruushku ka geystay dalka Ukraine Sabtidii, waxaana u suurtagashay in ay la socdaan diyaaradaasi meel u dhow xudduudda koonfureed ee Ukraine, sida ay bayaan ku sheegtay wasaaradda gaashaandhigga.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in duulaanku aanu khalad noqon karin – waxa uu ahaa “ballaarinta cad ee dagaalka Ruushka”. Moscow kama aysan hadlin sheegashada Romania.
Arbacadii, Poland waxay sheegtay inay soo ridday ugu yaraan saddex dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, kuwaas oo soo galay hawadeeda.
Hadal qoraal ah oo ay soo saartay, Wasaaradda Difaaca Romania ayay ku sheegtay inay ogaatay diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Ruushka mar ay laba diyaaradood oo F-16 ah ay ilaalinayeen xudduudda waddanku la wadaago Ukraine, ka dib “Weerarradii cirka ee Ruushku ku qaaday kaabayaasha Ukraine ee Danube”.
Romania ayaa sidoo kale u yeertay safiirka Ruushka u fadhiya wasaaradda arrimaha dibadda ee Bucharest.




