Israa’iil oo kordhisay weerarada ay ku hayso Qasa xilli uu Rubio gaaray halkaa
Mas’uuliyiin Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay burburiyeen ku dhawaad 30 dhismo oo guryo ah oo ku yaalla magaalada Qasa, ayna ku qasbeen kumanaan qof inay ka qaxaan guryahooda, xilli uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio uu gaaray Axaddii si uu uga hadlo mustaqbalka xaaladda taagan.
Israa’iil ayaa sheegtay inay qorsheyneyso inay qabsato magaalada, oo ay ku noolyihiin qiyaastii hal milyan oo Falastiiniyiin ah, taasoo qeyb ka ah hadafkeeda ay ku dhawaaqday ee ah inay cirib tirto kooxda Xamaas, ayna kordhiso weerarada ay ku hayso waxa ay ugu yeertay saldhiggii ugu dambeeyay ee kooxda Falastiiniyiinta ah.
Hoggaanka siyaasadeed ee Xamaas, oo si joogto ah ula yeelanayay wadahadallo ku saabsan xabad joojin suurtagal ah iyo sii deynta la haystayaasha ayaa Israaโiil ay ku bartilmaameedsatay duqeyn cirka ah oo ka dhacday Doha Talaadadii tallaabadaas oo si weyn loo cambaareeyay.
Qadar ayaa martigelinaysa shir degdeg ah oo ay yeelanayaan madaxda Carabta Isniinta maanta ah si looga hadlo tallaabooyinka xiga.
Rubio ayaa sheegay in Washington ay rabto inay ka hadasho sida loo sii dayn karo 48 maxbuus oo ay weli haystaan Xamaas kuna sugan marinka Qasa iyo sidii dib loogu dhisi lahaa dhulka burburku wax yeeleeyay. Waxaa la rumeysan yahay in 20 kaliya ay nool yihiin la haystayaasha.
“Wixii dhacay waa dhaceen,” ayuu yiri. “Waan la kulmi doonnaa iyaga (hoggaanka Israa’iil). Waxaan ka hadli doonnaa mustaqbalka,” ayuu yiri Rubio ka hor inta uusan u ambabixin Israa’iil halkaas oo uu joogi doono illaa Talaadada.




