Ilhaan Cumar maxey ka tiri dilkii Charlie Kirk ee dhawaan dhacay
Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congreska Mareykanka kana hadashay dilkii Charlie Kirk ee dhawaan dhacay ayaa sheegtay in rabshadaha siyaasadeed ay yahiin kuwo aan la aqbali karin.
“Rabshadaha siyaasadeed gabi ahaanba waa wax aan la aqbali karin oo aan la difaaci karin. Falalka bilaa caqliga ah lama oggolaan karo in ay ka dhacaan dalkeenna.”
Charlie Kirk, wuxuu ahaa 31 jir, ahna aasaasaha urur siyaasadeed la dhaho Barta Isbeddelka Mareykanka oo ah urur aan faa’iido doon ahayn oo faafiyaya afkaar dhaqameedka iyo waxbarashada kolejyada Maraykanka. Wuxuuna saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne Trump.




