Qoysaska la heystayaasha: Netanyahu waa caqabadda keliya ee na hortaagan

Qoysaska la haystayaasha Israa’iil ee weli ay gacanta ku hayaan Xamaas ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu yahay “hal caqabad” oo ka hor-istaagan soo laabashada ddkooda iyo in la gaaro heshiis nabadeed.

Golaha la haystayaasha iyo qoysaska maqan: Keen Guriga Hadda waxay ku soo qoreen baraha bulshada in Israa’iil weerarki ay ku qaadday Qadar usbuucii hore ay muujinayso “mar kasta oo heshiis soo dhawaado, Netanyahu wuu burburiyaa”.

Hadalka kooxdan ayaa imaanaya ka dib markii Israa’iil ay weerar ku qaadday madaxda sare ee ururka Xamaas ee ku sugan caasimadda Qadar ee Dooxa, kaas oo Xamaas ay sheegtay in ay ku dishay shan ka mid ah xubnahaasi iyo sarkaal ammaanka Qadar ka tirsan.

Sabtidii, Netanyahu wuxuu sheegay in ka takhalusidda hoggaamiyeyaasha Xamaas ee Qadar “ay ka takhalusi doonto caqabadda ugu weyn” ee sii deynta la haystayaasha iyo soo afjaridda dagaalka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker