Maxkamad u hiillisay Aishwarya Rai kadib dacwad ay u gudbisay
Maxkamadda Sare ee Delhi ayaa soo saartay amar ku meel gaar ah oo lagu ilaalinayo xuquuqda shakhsiyadeed ee aktaradda Bollywood-ka ee Aishwarya Rai Bachchan.
Maxkamaddu waxay sheegtay in adeegsiga aqoonsiga qof kasta oo caan ah (magac, sawir, cod, iwm.) fasax la’aan ay dhaawici karto danaha dhaqaale iyo sumcadda qofka caanka ah.
Maxkamadda Sare ayaa si ku meel gaar ah u xukuntay labada nin ee Aishwarya iyo jilaaga Abhishek Bachchan kiis gaar ah, iyadoo la ilaalinayo xuquuqdooda shakhsiyadeed.
Sida ku cad amarkan, maxkamadda sare waxay ka mamnuucday hay’ado dhowr ah inay si khaldan u isticmaalaan magacyadooda, sawirradooda, iyo codkooda.
Garsoore Tejas Kariya ayaa mar uu soo saaray amar ku meel gaar ah kiiskii Aishwarya Rai 9-kii Sebtembar, wuxuu sheegay in marka aqoonsiga qof caan ah la isticmaalo fasax la’aan, qofkaasi ay soo gaari karto khasaare maaliyadeed.
Kiiskan ayaa la xiriira dacwad ay gudbisay Aishwarya Rai Bachchan, taas oo ay ku doonaysay in laga mamnuuco in si khaldan loo isticmaalo dhinacyo badan oo shakhsiyaddeeda ah.
Sida laga soo xigtay iyada, shabakado badan oo internet-ka ah ma isticmaalaan oo keliya magaceeda, sawirkeeda, codkeeda, laakiin sidoo kale waxyaabo been abuur ah iyada oo si khaldan loo adeegsanayo.
Aishwarya waxa ay sheegtay in arrimahani aanay kaliya saamaynayn qiimaheeda iyo dakhligeeda, balse ay si xun u saameeyaan muuqaalkeeda iyo sumcaddeeda.




