Charlie Kirk: Saaxiibkii Trump ee la dilay maxuu horey uga yiri Soomaalida iyo Ilhaan Cumar

Charlie Kirk, wuxuu ahaa 31 jir, ahna aasaasaha urur siyaasadeed la dhaho Barta Isbeddelka Mareykanka oo ah urur aan faa’iido doon ahayn oo faafiyaya afkaar dhaqameedka iyo waxbarashada kolejyada Maraykanka. Wuxuuna saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne Trump.

Ururkiisa waxuu ku lahaa cutubyo in ka badan 850 koleej oo Maraykanka ah ardayda fekradaha dhaqameed la dhacsan ayaana u arkaayay Kirk inuu ahaa geesi.

Markii toogashadiisu dhacaysay waxuu ka hadlayay bandhig dadweyne oo ay kasoo qeyb galeen dad gaaraya 3,000 oo qof kuwaas oo ku sugnaa bannaanka jaamacadda Utah.

Abaare 12kii duhurnimo, ayaa rasaas qori laga soo riday qoorta kaga dhacday. Goobjoogayaal, ay ku jiraan wariyeyaal Deseret News ka tirsan, ayaa ku warramay in Kirk uu madaxa dib ula booday kadibna dhulka ku dhacay iyadoo qaylo iyo argagax ay meesha is qabsadeen.

Dhiig ayaa laga arki karaa muuqaalo laga duubay, balse aynaan idin tusi karin inay dad dhibsanayaan aawadeed.

Booliska Utah waxay sheegeen in rasaastu ka timid qoriga hal-dhaca ah ee xooggan oo uu soo riday qof saarnaa saqafka Losee Center oo u jirta meesha uu Charlie fadhiyay 200 mitir. Ninkii weerarka geystay oo dhar madow xirnaa ayaa baxsaday, waxaana socda howlgal weyn oo lagu baadi goobayo kaasoo FBI iyo booliska maxalliga ah ku lug leeyihiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker