Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL, oo dhaariyay xubin buuxinaysa jago ka bannaanaatay Golaha Guurtida.

‎
‎Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 11/09/2025-ka, dhaariyay Maxamuud Siciid Jaamac Cali, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha Golaha Guurtida JSL.
‎
‎Mudanaha la dhaariyay ayaa buuxiyay jago uu dhawaan banneeyay, AHN mudane Siciid Jaamac Cali, taasi oo Guddoomiyaha Golaha Guurtidu uu Maxkamadda Sare u soo gudbiyey codsi uu ku dalbanayo in xilkaasi loo dhaariyo Maxamuud Siciid Jaamac Cali.
‎
‎Dhaarinta ka dib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu Qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.
‎
‎

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker