Golaha Guurtida oo La-kulmay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Hargeysa si ay Uga Dhageystaan Xaaladda Amniga
Hargeysa (OWN) Guddi hoosaadka amniga iyo nabadgelyada ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa la kulmay guddoomiyayaasha 9-ka degmo ee caasimadda Hargeysa iyo madaxda amniga ee dowladda hoose.
Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd in Golaha Guurtidu helo xog rasmi ah oo ku saabsan sida amniga looga shaqeeyo xaafadaha caasimadda.
Guddoomiyayaasha degmooyinka, oo uu hoggaaminayay agaasime ku xigeenka amniga ee dowladda hoose, ayaa gudbiyay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan wada shaqeynta booliska, bulshada, iyo xalinta dhacdooyinka maalinlaha ah.
Kulankan oo ay warbaahintu dibad joog ka ahayd, ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay Guddoomiyaha Guddi hoosaadka Amniga ee Guurtida, Xildhibaan Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed, iyo qaar ka mid ah guddoomiyayaasha degmooyinka.
Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadidda nabadgelyada caasimadda iyo xoojinta wadashaqeynta hay’adaha amniga iyo maamulka deegaanka.




