“Amniga iyo Aqoonsiga Qaranku Waxay inay Ka Horeeyaan Mucaaridada Iyo Muxaafidnimada” Marwo Faadumo Siciid

Marwo Faadumo Siciid, oo ka mid ah siyaasiyiinta magaca leh ee reer Somaliland, ayaa sheegtay in marka laga hadlayo arrimaha la xidhiidha aqoonsiga iyo nabadgelyada qaranka, aan loo baahnayn in la kala safto mucaaridnimo iyo muxaafidnimo, balse ay tahay in si mideysan loogu midoobo difaaca iyo danta guud ee qaranka.

Waxay ku adkaysatay in marka la joogo xaalado qaran oo culus, sida sugnaanta nabadgelyada iyo raadinta aqoonsiga caalamiga ah, loo baahan yahay in la iska ilaawo khilaafaadka siyaasadeed oo dhan, loona jeesto sidii Somaliland u gaadhi lahayd yoolkeeda qaran.

Marwo Faadumo waxay tidhi “Marka ay timaado aqoonsiga Somaliland iyo marka nabadgelyada Qarankeenu, labadaasiba waa in aynu mucaaridnimo iyo muxaafidnimo daaqadaha ka tuurno.”

Sidoo kale, waxay carabka ku dhufatay in Somaliland ay leedahay cadow badan oo ku hawlan sidii ay u wiiqi lahaayeen jiritaanka qaranka. Sidaas darteed, ayay sheegtay in loo baahan yahay in shacabka iyo dawladda Somaliland isku tashadaan, si midnimo iyo is-afgarad loogu wajaho difaaca qaranka.

waxaanay tidhi “Somaliland waa loo tashaday, balse waxa muhiim ah innagu maxaynu ku tashanay? Wada-hadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland waxay ahaayeen khaladkii ugu weynaa ee Somaliland gasho.”

Hadalkan ayay Marwo Faadumo Siciid ka sheegtay mar ay waraysi siinaysay muuq-baahiyaha dawladda, iyada oo si cad u muujisay baahida loo qabo in mar walba la ilaaliyo danaha qaranka, lagana fogaado tallaabo kasta oo dhaawac ku keeni karta himilada Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker