Faransiiska oo dhex taagan qalalaase siyaasadeed ka dib markii xilka laga qaaday ra’iisul wasaarahii dalka
Faransiiska ayaa galay qalalaase siyaasadeed oo cusub, kadib markii laga adkaaday Ra’iisul Wasaare François Bayrou oo codka kalsoonida uu u qaaday Baarlamaanka dalka.
Guuldarada – 364 cod iyo 194 – waxay ka dhigan tahay in Bayrou uu maanta oo talaadada ah istiqaalada dowladdiisa hordhigi doono madaxweyne Emmanuel Macron oo ay tahay inuu hadda go’aan ka gaaro sidii uu u beddeli lahaa. Xafiiska Macron ayaa sheegay in tani ay dhici doonto “maalmaha soo socda”.
Xulashooyinka waxa ka mid ah magacaabista ra’iisul wasaare cusub oo ka socda garabka dhexe, soona jiida asxaabta Bidixa u janjeerta iyo helida magac la jaanqaadi kara xisbiga Hantiwadaaga iyo kala dirida baarlamaanka si doorasho cusub loo qabto.
Asxaabta kasoo hor jeeda Macron ee ka tirsan asxaabta bidix ee France ayaa ugu baaqaya shaqsi ahaan inuu iscasilo, laakiin dad yar ayaa u maleynaya inay taasi macquul tahay.
Faransiiska ayaa kusii socda sdiii lo heli lahaa ra’iisul wasaarihii shanaad in ka yar laba sano – waana rikoor xun oo hoosta ka xarriiqay qulqulatooyinka iyo diidmada haysata madaxweynaha markii labaad.
Dhicistii Bayrou ayaa timid ka dib markii uu ku darsaday dawladiisa dood dhalisay kalsooni degdeg ah oo ku saabsan su’aasha ah deynta Faransiiska.
Waxa uu xagaagii ka digay khatarta “jirta” haddii Faransiiska aanay bilaabin inay wax ka qabtaan deynta 3.4 trillion (£ 2.9 trillion).
Miisaaniyadda 2026 wuxuu soo jeediyay in la baabi’iyo laba fasax oo qaran oo la joojiyo lacagaha cayrta iyo hawlgabka, iyada oo ujeedadu tahay in la badbaadiyo € 44 bilyan.
Laakiin waxa uu iska dhega tiray hadalladiisaas burburka dhaqaale in ay ku kicinayaan kuwa ka soo horjeeda.




