𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐦𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚, 𝐖𝐚𝐱𝐠𝐚𝐫𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐚𝐲𝐞𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐠𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐀𝐰𝐝𝐚𝐥

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo galay maalintii 2-aad ee Safarka shaqo ee uu ku joogay Gobolka Awdal, ayaa caawa kulan muhiim ah la qaatay Madax-dhaqameedka, Waxgaradka iyo Gobolka Awdal, oo uu ka mid ahaa Ugaaska Guud ee Beelaha Gadabuursi, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi.

Kulankan ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey arrimo muhiim u ah wadajirka ummadda Somaliland, adkaynta nabadda iyo ka wada shaqaynta horumarinta bulshada, iyada oo aanu muran ku jirin kaalinta taariikhiga ah ee bulshada Gobolka Awdal ay ku leeyihiin dhismaha Qarannimada iyo ilaalinta Dawladnimada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey Madax-dhaqameedka iyo wax-garadka Gobolka Awdal doorkooda hagar la’aanta ah ee ay ku taageeraan nabadda iyo midnimada dalka, halka ay iyaguna dhinacooda ku muujiyeen taageero buuxda iyo garab istaag qaranimo.

Kulankan ayaa ahaa mid astaan u doorka shariifka ah ee ay hoggaanka dhaqanku ku leeyihiin dhismaha Qaranka, xoojinta kalsoonida bulshada iyo dawladnimada, isla markaana dhiirrigelinaya wadajirka shacabka Somaliland.

Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka Gobolka Awdal ayaa caawa ka marag kacay in ballanqaadyadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland xilligii ololaha doorashada Madaxtooyada u sameeyey bulshada reer Awdal ay gebi ahaanba si dhab ah u rumoobeen.

Waxa ay sheegeen in M/weynuhu uu ku sifoobay hadal iyo hawl isku mid ah, isaga oo ballanqaad walba oo uu bulshada u sameeyey u bedelay ficil muuqda iyo mashruuc la taaban karo.

Madax-dhaqameedku reer Awdal waxa ay hoosta ka xarriiqeen in fulinta ballanqaadyadani ay tahay tilmaan togan oo hoggaamiyenimo iyo daacadnimo, taasi oo shacabka gobolka Awdal ku dhiirrigelisay in ay si kalsooni leh u garab istaagaan Xukuumadda haatan talada dalka haysa.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si mug leh ugu mahad naqay madax dhaqameedka, waxgaradka iyo waayeelka gobolka Awdal, isaga oo sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in Ugaaskii Guud uu caawa garabkiisa fadhiyo. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in uu aad u soo dhawaynayo kalsoonida iyo taageerada ay bulshada Gobolka Awdal u muujiyeen, isagoo xusay in ay muhiim tahay in la sii xoojiyo wadajirka, nabadda iyo horumarka dalka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker