Maraykanka oo Xamaas u jeediyay digniintii ugu dambaysay

Ururka Xamaas ayaa sheegay in ay Maraykanka ka heleen hindisayaal loo soo marsiiyay dhexdhexaadiyayaasha oo ku saabsan sidii xabbad joojin looga gaadhi lahaa Qasa.

Bayaan ka soo baxay Maraykanka ayaa Donald Trump uu ugu yeedhay digniintii ugu dambaysay ee Xamaas ee ku aaddan in ay aqbasho heshiiska lagu sii daynayo la haystayaasha Israa’iil.

Sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil, soo jeedintii ugu dambaysay ayaa ah in dhammaan 48 qof oo la haystayaal ah oo intooda badan ay dhinteen la sii daayo maalinta ugu horraysa ee xabbad joojinta si loogu beddelo kumanaan maxaabiis Falastiiniyiin ah. Waxaa sidoo kale la rajaynayaa wadahadal ku saabsan joojinta dagaalka.

Israa’iil ayaa la sheegay in ay si dhab ah uga fiirsan doonto qorshahan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker