Xarunta Tababarka Ciidanka Badda Itoobiya oo si Rasmi Ah loo Daahfuray

Adis-ababa (OWN) Xarunta tababarka Ciidanka Badda Itoobiya, ayaa maanta si rasmi ah loo furay, iyadoo uu goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka, Faaris-galaha Berhanu Jula.

Xaruntan oo ay dhistay Waaxda Injineerinka Difaaca, ayaa qaab Markab u eg ku dhammatay muddo laba sano gudahood ah, waxaana ka shaqeeyay injineero iyo khubaro milatari.

Xaruntu waxay ka kooban tahay hoy milatari, fasallo waxbarasho, hool casri ah, garoon kubbadda cagta oo caalami ah, waddooyin gudaha ah oo asfalt tayo leh, iyo dhir cagaaran oo qurxoon.

Xaruntan cusub ayaa astaan u ah horumar weyn oo Itoobiya ku talaabsatay dhinaca difaaca badda iyo tababarka ciidanka badda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker