Roog Casri ah oo La Dhigay Jidka laga galo Magaaladda Borama
Saaka waxaa si rasmi ah loo bilaabay dhigidda rooga casriga ah ee ku socda waddada muhiimka ah ee laga soo galo magaalada Borama, waana waddo astaan u ah bilicda iyo horumarka caasimadda Awdal.
Shaqadani waxa ay si gaar ah uga bilaabatay agagaarka kaantaroolka magaalada, iyada oo ku sii fidsanaysa ilaa taalada astaanta Borama, oo ah muraayadda koowaad ee martida iyo muwaadiniintuba ay magaalada ku arkaan.
Maayarka degmada Borama, Mudane Maxamuud Sheekh Ibraahim Muuse, ayaa kormeer rasmi ah ku sameeyay goobta, isagoo indhihiisa ku soo arkay sida habsami leh ee hawshu u socoto.
Mashruucan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee maamulka degmada Borama ugu jiro horumarinta kaabayaasha magaalada iyo kor u qaadista bilicda guud.




