Gabiley oo Si Weyn Looga Xusay Dhalashada Nebiga Muxammad (NNKH)
Magaalada Gabiley ayaa si wayn looga xusay munaasabadda dhalashada Nebiga Muxammad (NNKH), taas oo dadweynaha Degmada Gabiley, culimada, masuuliyiinta dawladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa si ballaadhan uga qayb galay.
Bulshada oo ay ka muiuqato jacaylka Xabiibkeena Muxamed (NNKH) ayaa jidka halbawlaha ah ee magaalada isugu soo baxay si ay u muujiyaan una wayneyaa dhalashada Rasuulkeenii Suubaanaa S.C.W.




