Nuxurka Qodobada lagaga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland
Fadhigii 33-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu Shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.
Qodobbada maanta lagaga wada hadlay Fadhigii 33-aad waxa ka mid ahaa:
𝟏. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚:
Waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdalle Maxamed Carab. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in guud ahaanba Amniga lixda Gobol ee dalku uu sugan yahay, isla markaana aanay jirin wax qalalaase ama xasilooni darro ah nooc kasta oo ay tahayba, marka laga reebo fal dambiyeedka maalin-laha ah ee ka dhex dhaca Bulshada.
Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu si adag uga hadlay Shilalka Gaadiidka ee sii kordhaya, kuwaasi oo uu sheegay in ay haatan yihiin kuwa sababa dhimashada iyo dhaawaca ugu badan dalkeena. Sidaa darteed, Wasiirku waxa uu Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirrada u soo jeediyey in dhammaan Hay’adaha ay khusaysaa xal-u-helidda arrintan ka yeeshaan Talo Qaran.
𝟐. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚, 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐃𝐚𝐤𝐡𝐥𝐢𝐠𝐚:
Waxa ka war bixiyey Wasiiru-Dawlaha Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi. Wasiirku waxa uu Golaha la wadaagay warbixin guud oo saabsan Xaaladda Dhaqaale ee Dalka, Gobolka iyo Dunidaba. Wasiirku waxa uu sheegay in kasta oo Somaliland doorashadii kadib ay muujisay xasillooni miisaaniyadeed iyo deggenaansho siyaasadeed, dhibaatada iyo hoos u dhaca Dhaqaalaha Caalamku waxa uu inagu leeyahay saamayn TABAN oo la xidhiidha nidaamka maaliyadeed ee dalka, fulinta Mashaariicda iyo ku tiirsanaanta Deeqaha Dibedda.
Haddaba, si Qaranka ahaan arrimahan looga gaashaanto, Wasiirku waxa uu sheegay in loo baahan yahay:
1. Isticmaal hufan oo xagga Deeqaha ah, kaasoo waxtar u leh Qaranka,
2. Kor u qaadista helitaanka Amaahda ee Ganacsiyada yar-yar,
3. In si joogto ah loo Maareeyo, loona kor-joogteeyo Lacagta iyo Sicir-bararka.
Wasiiru-Dawlaha Maaliyaddu waxa uu sheegay in 8-dii bilood ee ina dhaafay uu Dakhliga guduhu ka sarreeyo bar-tilmaameedkii Wasaaradda u astaysanaa, inta sannadkan ka hadhayna ay rajaynayaan in la gaadho yoolka Odoroska Miisaaniyadda 2025-ka.
𝟑. 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚:
Waxa ka war bixisay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi oo ah Xubin ka tirsan Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran. Wasiirku waxa ay Golaha la wadaagay in dedaallada Gurmadka Abaaruhu si wacan u socdaan, gaar ahaan qaybinta deeqaha raashinka meelaha baahiyaha ugu badani ka jiraan, Biyo-dhaamiska, Dayactirka qaar ka mid ah Ceelasha Biyaha ee Gobollada Bariga iyo Qoditaanka Ceel biyood cusub oo laga hirgelinayo Sanaag Bari.
Wasiir Kaltuun waxa ay Golaha u sheegtay in meelo badan oo ka mid ah Gobollada Bariga dalka uu Roobku ka da’ay, balse ay weli biyo yaraani ka jirto degaanno badan oo Bariga Dalka ah.
𝟒. 𝐃𝐨𝐨𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐤𝐚 𝐈𝐬-𝐠𝐚𝐫𝐚𝐛𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐥𝐨𝐨 𝐥𝐞𝐞𝐲𝐚𝐡𝐚𝐲 (𝐏𝐮𝐛𝐥𝐢𝐜 𝐏𝐫𝐢𝐯𝐚𝐭𝐞 𝐏𝐚𝐫𝐭𝐧𝐞𝐫𝐬𝐡𝐢𝐩-𝐏𝐏𝐏 )
Xeerkan oo uu Golaha Wasiirrada todobaadkii hore si weyn uga dooday, ayaa maanta waxa Golaha faahfaahin dheeraad ah ka siiyey Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda Mudane Cali Baashe Maxamed iyo Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Siciid Maxamed Buraale. Wasiirku waxa uu si qoto dheer uga warbixiyey faa’iidooyinka uu nidaamka Public Private Partnership (PPP) u leeyahay Maalgashiga iyo Koboca Dhaqaalaha dalka. Wasiir Buraale waxa uu hoosta ka xarriiqay in nidaamka PPP uu leeyahay faa’iidooyin ay ka mid yihiin:
1. Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha,
2. Tayeynta iyo Hagaajinta Adeegyada Bulshada,
3. Kobcinta Maalgashiga Gudaha iyo Dibadda,
4. Kobcinta Shaqo Abuurka iyo Dhaqaalaha Dalka,
5. Xoojinta Kalsoonida Maalgashiga iyo Ganacsiga




