Golaha Wakiilada Oo Ansixiyey Xeerka Ciidanka Socdaalka Somaliland
Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta yeeshay fadhigii 16aad ee Kalfadhiga 12aad, fadhigan oo uu shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha, Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon).
Ka hor inta aan la gelin cod-bixinta, Agaasimaha Waaxda Hadal Qoraalka Golaha Wakiillada, Mr. Cawad Cali Maxamed, ayaa mudaneyaasha Golaha u akhriyay wax-ka-beddellada iyo kaabiska lagu sameeyay Xeerka Ciidanka Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha.
Intii fadhigu socday, mudaneyaasha ayaa si qodob-qodob ah uga codeeyay Xeerka, waxaana ugu dambayn cod aqlabiyad leh lagu ansixiyay xeerkan, kaas oo hore uga soo noqday Golaha Guurtida kadib markii lagu sameeyay wax-ka-beddel iyo kaabis.
Xeerkan ayaa hadda loo gudbin doonaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland si uu u meel mariyo, taas oo xeerka ka dhigi doonta sharci buuxa oo dhaqan-gal ah.
Gabagabadii, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Md. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa soo xiray fadhiga, isaga oo xusay muhiimadda uu xeerkan u leeyahay sugidda amniga, nidaaminta socdaalka, iyo ilaalinta xuduudaha qaranka.




