uushka oo weerar ku qaaday Ukrine iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Hal qof ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ku dhaawacmeen weerarro habeenimo ah oo ay Ruushku ku qaadeen gobolka koonfureed ee Zaporizhzhia ee dalka Ukraine.

Saddex carruur ah aba wiil oo da’doodu tahay sagaal iyo toban jir iyo gabar 16 jir ah — ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarradaas, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka, Ivan Fedorov.

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in weerarradu ay ku dhaceen dhismayaal la deggan yahay, taasoo keentay “dabab badan oo ka kacay goobahaas”.

“Maaddaama Ruushku markale muujinayo in uusan ereyada waxba ka qadin, waxaan rajeynaynaa tallaabo dhab ah,” ayuu Zelensky ku yiri farriin uu ku baahiyey Telegram.

Qaraxyo ayaa sidoo kale laga maqlay gobollada dhexe iyo bari ee Dnipro iyo Pavlohrad.

Weerarradan ugu dambeeyay ayaa yimid maalmo un kadib markii Ruushku uu qaaday weerarkii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado Kyiv tan iyo bishii Luulyo — ugu yaraan 23 qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen weerarkii Khamiistii la soo dhaafay.

Waxaan si joogto ah u daba soconnaa wararka ugu dambeeya ee dagaalka Ukraine — nala joog si aad ula socoto.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker