Xiisad Ka Dhex Aloosan Dalalka Maraykanka iyo Finisweela
Washington (OWN) Xiisad siyaasadeed iyo mid militari ayaa cirka isku shareertay u dhaxaysa Maraykanka iyo dalka Finisweela.
Madaxweynaha Finisweela, Nicolás Maduro, ayaa sheegay in dalkiisu is-difaaci doono haddii Maraykanku weerar ku soo qaado.
Wuxuu hadalkan jeediyey isagoo la hadlayay ciidamada dalkiisa.
Xiisaddan ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii Maraykanku ciidamadooda badda geeyeen meel u dhow xuduudaha Finisweela.
Dowladda Finisweela waxay tallaabadan u aragtay mid daandaansi ah oo muujinaysa in Maraykanku rabo dagaal.
Dhinaca kale, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in ciidamadiisu ay halkaas u direen si ay uga hortagaan kooxo ka ganacsada daroogooyinka oo uu sheegay inay ku xooggan yihiin gobolkaas.
Ciidamada Maraykanka ayaa saldhigyo ka sameystay meel ka baxsan biyaha Finisweela, taasoo sii kordhisay cabsi laga qabo isku dhac milatari oo dhab ah.




