Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo Qaabilay Wafti ka Socday Dalka Rwanda, Shahaado Sharafna Lagu Maamuusay

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdillaahi Xasan Aaden, oo ay wehelinayaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Md. Maxamed Xasan Saleebaan, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socday Mac’hadka Xisaabaadka Dalka Rwanda, oo magaciisa loo soo gaabiyo ICPAR (Institute of Certified Public Accountants of Rwanda).

kulanka waxa qayb ka ahaa masuuliyiinta Mac’hadka Xisaabaadka Somaliland ee ICPAS, intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray wada-shaqeynta ka dhaxaysa labada dhinac iyo horumarinta xirfadaha xisaabaadka ee Somaliland.

Ugu dambayn, Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland ayaa lagu maamuusay shahaado sharaf, taas oo ay si wadajir ah u guddoonsiiyeen xubnaha ICPAR iyo ICPAS, iyagoo uga mahadceliyey doorka hogaamineed ee uu ka qaatay horumarinta maaliyadda dalka iyo kobcinta xirfadaha xisaabaadka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker