Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa magaalada Hargeysa ka qayb galay furitaanka huteel Cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa magaalada Hargeysa ka qayb galay furitaanka huteel uu dhistay ganacsade Cabdikariim Maxamed Iid.

Madaxweynuhu ayaa ganacsatada dhiirrigeliyay, isaga oo ku booriyay in aanay kaliya ku koobnaan soo dejinta bariiska iyo badeecadaha kale, balse ay xoogga saaraan maalgelinta warshadaha gudaha.

Waxa kale oo uu sheegay in dowladda Somaliland diyaar u tahay in ay ganacsatada siiso dhul bilaash ah si ay ugu dhistaan warshado, taas oo kor u qaadi doonta shaqo-abuurka iyo horumarka dalka.

Waxaanu yidhi.“Ganacsatadeenu bariis uun yaaney soodejin warshado ha maalgashadaan, dhulkii bilaash ahna waynu u hayno dalka oo dhan”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker