Janaraalada ugu sareeya Israa’iil oo ku booriyay Netanyahu inuu aqbalo heshiiska siideynta lahaystayaasha
Wararka ka imaanaya Israa’iil ayaa sheegaya in Jeneraalka ugu sarreeya dalkaas uu ku booriyay ra’iisul wasaaraha Benjamin Netanyahu, inuu aqbalo heshiiska lagu sii dayn doono la haystayaasha lagu haysto Gaza.
Xamaas ayaa horey u aqbashay soo jeedinta oo ay soo jeediyeen dhexdhexaadiyeyaasha gobolka.
Labaatan ka mid ah la haystayaasha ayaa la rumaysan yahay in ay weli nool yihiin.
Lt. Gen. Eyal Zamir, ayaa lagu soo waramayaa in uu sheegay in militariga Israa’iil ay soo bandhigeen shuruudaha heshiiska, haatanna ay ku xiranthay gacanta Mr Netanyahu.
Golaha wasiirada ammaanka ee Israa’iil ayaa lagu wadaa in ay arrintan ka hadlaan Talaadada maanta ah.




