๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐-๐๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐๐๐ก-๐๐ฎ๐ซ๐๐ฒ ๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐ข๐ฌ๐๐๐๐๐๐๐ค๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐
Madaxweyne-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa Daah-furay Xafiiska Macadka Xisaabaadka Somaliland ee loo soo gaabiyo magiciisa ICPAS {Institute of Certified Public Accountant of Somaliland}.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa kormeeray qaybaha kale duwan ee uu Macadkaasi ka kooban yahay, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Agaasimaha Guud, Xisaabiyaha Qaranka iyo Masuuliyiinta Macadkaasi.
Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraday muhiimadda Macadkani u leeyahay Qaranka waxana yidhi:- “Macadkani waxa uu ahaa mid si weyn loogu baahnaa, aduunyada horumartayna wuu ka jiraa.
Macadkani waxa uu noqon doonaa mid qaban doona shaqooyin badan oo laf-dhabar u ah Xisaabaadka.
Waan bogaadinayaa masuuliyiinta Macadka, madaama maanta ay sameeyeen horumar balaadhan, waxaase idinku dardaarayaa in dadka aad shahaadooyinka siin doontaan ay noqdaan kuwo u qalma isla markaana ku hubaysan cilmigii loo baahnaa.”




