Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, oo soo kormeeray Seeraha Banka Aroori ee Naaxinta Xoolaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wefgigii ballaadhnaa ee uu hogaaminaayey oo galay maalintii 4-aad ee Safarka shaqo ee uu ku joogay Gobollada Togdheer iyo Daad-madheedh, ayaa saaka subaxii hore soo kormeeray Seeraha Banka Aroori ee Naaxinta Xoolaha.

Madaxweynaha waxa halkaa ku soo dhaweeyey warbixin faah-faahsan siiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Mudane Axmed Cismaan (Talo-Same) iyo masuuliyiinta iyo shaqaalaha gacanta ku haya Xarunta Seeraha Banka Aroori. Masuuliyiintani waxa ay Madaxweynaha uga xog-warrameen noocyada kala duwan ee calafka xoolaha ee laga soo saaro Seeraha Banka Aroori.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in Seeraha Banka Aroori uu yahay mashruuc tusaale wacan u ah Gobollada Somaliland in lagu daydana mudan, isla markaana kaalin muuqata ka qaadanaya hagaajinta caafimaadka iyo tayada xoolaha, kobcinta dhaqaalaha xoolo-dhaqatada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka guud ahaan.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in
Seerayaashu ay yihiin hanti Qaran dalkana ay uleeyihiin faa’iidooyin badan, sida naaxinta iyo tayada Xoolaha, bedbaadinta deegaanka iyo dhulka, iyo u adkaysiga isbeddelka cimilada iyo abaaraha.

Ugu dambayntii, Madaxweynuhu
waxa uu xusay in Xukuumaddu sii wadi doonto taageerada iyo ballaadhinta mashaariicda la xidhiidha xanaanada iyo horumarinta xoolaha oo ay Seerayaashu ka mid yihiin, maadaama ay yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha Somaliland.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker