Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo dhagax dhigay 7-dugsi oo xukuumaddu ka dhisayso Oodweyne. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wefgigii ballaadhnaa ee uu hogaaminaayey oo galay maalintii 4-aad ee Safarka shaqo ee uu ku joogay Gobollada Togdheer iyo Daad-madheedh, ayaa maanta si rasmi ah Dhagax-dhigay 7 Iskuul oo cusub oo laga hirgelinayo Magaalada Oodweyne, kuwaasi oo ka mid ah Barnaamijka Horumarinta Waxbarashada Aasaasiga ah ee Gobolka Daad-madheedh. Iskuulladan cusub ayaa lagu talagalay in ay si weyn ugu kordhiyaan fursadaha Waxbarasho ee Gobolka, gaar ahaan carruurta iyo dhallinyarada, isla markaana ay sare u qaadaan helitaanka adeegyada waxbarasho tayo leh oo u daboosha baahida bulshada. Madaxweynaha ayaa xusay in mashruucan uu ka mid yahay Qorshaha ballaadhan ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee ku jihaysan hormarinta Waxbarashada, dhisidda mustaqbalka jiilka cusub iyo kobcinta aqoonta dalka guud ahaan. ALLAA MAHAD LEH Xuseen Aadan Cige (Deyr) Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wefgigii ballaadhnaa ee uu hogaaminaayey oo galay maalintii 4-aad ee Safarka shaqo ee uu ku joogay Gobollada Togdheer iyo Daad-madheedh, ayaa maanta si rasmi ah Dhagax-dhigay 7 Iskuul oo cusub oo laga hirgelinayo Magaalada Oodweyne, kuwaasi oo ka mid ah Barnaamijka Horumarinta Waxbarashada Aasaasiga ah ee Gobolka Daad-madheedh.

Iskuulladan cusub ayaa lagu talagalay in ay si weyn ugu kordhiyaan fursadaha Waxbarasho ee Gobolka, gaar ahaan carruurta iyo dhallinyarada, isla markaana ay sare u qaadaan helitaanka adeegyada waxbarasho tayo leh oo u daboosha baahida bulshada.

Madaxweynaha ayaa xusay in mashruucan uu ka mid yahay Qorshaha ballaadhan ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee ku jihaysan hormarinta Waxbarashada, dhisidda mustaqbalka jiilka cusub iyo kobcinta aqoonta dalka guud ahaan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker