Somaliland iyo Itoobiya ayaa ka wadahadlay xoojinta amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda gobolka.
Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL, Mudane Cabdiraxman Daahir Aadan, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mohamed Abdirahman, ayaa maanta Xafiiskiisa kulan muhiim ah kula yeeshay Danjiraha Dawladda Federalka Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, Danjire Teshome Shunde Hamito.
War-qoraal ah oo ay soo saartey Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland ayaa waxa lagu sheegay in kullankaas laga ga wada hadlay laguna lafaguray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda ee gobolka.




