Wasaaradda Ganacsiga oo wada Qorshayaal Lagu Horumarinayo Ganacsiga Yaryar iyo Adeegyada Casriga ah

Hargeysa (OWN) Shirkii toddobaadlaha ahaa ee wasaaradda ganacsiga iyo Dalxiiska ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda, waxaana shirguddoominayey wasiirka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, oo ay wehelinayeen agaasimaha guud Mudane Maxamuud Xuseen Aadan (Jabaake) iyo madax waaxeedyo kala duwan.

Shirka ayaa lagu falanqeeyey qodobo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin.

• Xuska Hal-abuurka Ganacsiga: Waxaa la shaaciyey in wasaaraddu qaban doonto xus lagu soo bandhigi doono hal-abuurka ganacsatada da’yarta ah, fikradahooda cusub, iyo caqabadaha ay wajahaan.

• Korodhka Liisan-qaadashada: Warbixin ay soo jeediyey waaxda diiwaangelinta iyo dabagalka ayaa muujisay in lixdii bilood ee u dambaysay uu si weyn u kordhay tirada ganacsiyada isdiiwaangeliyey, taasoo ka tarjumaysa kobaca ganacsiga iyo dakhliga gudaha.

• Casriyeynta Nidaamka ICT: Waxa la sheegay in dib-u-habeyn lagu sameynayo nidaamka maamulka liisamada ganacsiga si loo helo adeeg hufan oo fudud.

Gaba-gabadii wasiirka ayaa ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in adeegyada wasaaraddu noqdaan kuwo casri ah, la jaanqaadaya baahida ganacsatada, wuxuuna faray dhammaan shaqaalaha inay ilaaliyaan waqtiga shaqada iyo daryeelka bulshada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker