Golaha Wakiillada Somaliland oo Senator Ted Cruz uga Mahadceliyay Taageerada Aqoonsiga
Hargeysa (OWN) Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta warqad mahadnaq iyo bogaadin ah u diray Senator Ted Cruz oo ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka, kadib markii uu si cad u taageeray in Somaliland la aqoonsado.
Warqadda oo uu ku saxeexnaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha, Siciid Mire Faarax (Giirre), ayaa lagu muujiyey sida loogu riyaaqay taageerada Senator Cruz iyo sida Somaliland uga go’an tahay iskaashi buuxa oo dhinacyada amniga, dimuqraadiyadda iyo dhaqaalaha ah.
Goluhu waxa uu sidoo kale Senator Cruz ku martiqaaday booqasho rasmi ah oo uu ku yimaaddo caasimadda Hargeysa, si uu si toos ah ugu arko horumarka iyo fursadaha iskaashi ee ka jira Somaliland.





