Xukumadda Somaliland oo Ka Fal Celisay Warqad Somaliya u Qortay US.

Wasiirka Cadalada Somaliland Yoonis Axmed Yoonis ayaa qoraal uu Ku baahiyaay Bartiisa Facebook waxa uu kaga Hadlay Warqad qoraal ah oo ay u dirtay Dawlada Maraykanka qoraalka Wasiirka ayaa u qornaa Sidan:-

“Warqadan waxay cadaynaysaa in Somalia Alshabaab u adeegsanayso gorgortan, Cadaadis dublamaasiyadeed oo ay ku saaro Mareykanka haddii uu ka hadlo danihiisa Geeska Afrika iyo in ay kula dagaalamaan aqoonsiga Somaliland.

Tani waxay markhaati u tahay in balaayiin dollar ee cashuurta Mareykanka ee lagu dhisayey Ciidanka Somalia in maamulka Muqdisho u adeegsado inuu kula dagaalamo danaha Mareykanka, tani waxay cadaynaysaa in ay leeyihiin haddii uu Mareykan danihiisa ka hadlo annaga oo Alshabaab ah ayaa la dagaalamayna.

Maamulka Muqdisho waxa muuqata in aanay rejo ka soo muuqan nidaam ay dhistaan, balse ay doonayaan in ay Alshabaab u adeegsadaan la dagaalanka Somaliland, Mareykanka iyo Itoobiya marka ay dantooda iyo istiraatijyadooda kala hadlayaan Jamhuuriyadda Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker