Xisbiga Kaah oo ku eedeeyay dowladda Soomaaliya faragelin iyo dagaal siyaasadeed

Guddoomiyaha xisbiga Kaah, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay “dagaal qaawan oo kala qeybin ah ku qaaday Somaliland,” isla markaana sheegay inay ka shaqayn doonaan sidii ay xukunka uga ridi lahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Xaashi wuxuu carrabka ku adkeeyay in hadalladiisu ay matalayaan mowqifka xisbiga Kaah.

Markii BBC-du waydiisay in tallaabadan lagu fasiri karo inuu isaga laftiisu ku kacayo faragelin siyaasadeed, isagoo ku eedaynaya dowladda Soomaaliya arrin la mid ah, Xaashi kama jawaabin si toos ah.

Sidoo kale wuxuu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo sida xisbigiisu uga shaqeynayo qorshaha xilka looga tuurayo Madaxweynaha Soomaaliya

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker