UK tirada kusoo gudubto doomaha oo gaartay 50,000 tan iyo markii xsibiga shaqaalaha uu xilka qabtay
Tirada dadka tahriibayaasha ah ee doomaha yar yar uga gudbaya kanaalka Ingiriiska tan iyo markii xisbig ashaqaalaha ay xilka la wareegeen xagaagii hore ayaa la filayaa inay gaarto 50,000.
Xogta Xafiiska Arrimaha Gudaha waxay muujinaysaa in 49,797 qof ay safar kusoo galeen ilaa Axaddii, iyadoo wadarta guud ee Isniinta ay tahay in goor danbe la sii daayo.
Wasiirka ka tirsan dawladda Baroness Smith ayaa BBC-da u sheegtay in tani ay tahay “tiro aan la aqbali karin” balse waxay tilmaantay “in mid ka mid ah, ka dhalatay ” heshiiska ay lala galay Faransiiska si looga hortago.
Laakiin xisbiga muxaafidka ayaa sheegay in wadarta guud ee soo galootiga ay muujinayso in xidbiga Shaqaaluhu “is ay dhiibeen xudduudahayaga”.
Tiradan ugu dambeeysa ayaa imaanaysa iyadoo wasiirradu ay sii wadaan inay la tacaalaan sidii wax looga qaban lahaa kooxaha dadka tahriibiya – taas oo ah ballan-qaad muhiim ah oo uu sameeyay Sir Keir Starmer markii uu noqday ra’iisul wasaaraha.
Baroness Smith Baroness Smith waxay tiri: “Waan fahansanahay sida ay arinkan dadka ugu welwelsanyihiin.”
Waxa ay intaas ku dartay in tirada dadka tahriibaya ay muujinayso in kooxaha dadka tahriibiya ay “si buuxda u qaateen ka ganacsiga dadka” sannadihii la soo dhaafay, laakiin dawladdu hadda waxay “horumar ka samaynaysaa” wax ka qabashada arrintan.
Duuliyaha “Mid ka mid ah, mid ka baxsan” ayaa arki doona UK oo ku celinaysa qaar ka mid ah muhaajiriinta Faransiiska si ay u helaan tiro isku mid ah oo magangalyo-doon ah kuwaas oo la rumeysan yahay inay haystaan sheegashooyin sharci ah.
Todobaadki hore, ilo dhanka dowlada ah ayaa BBC u sheegay in dhowr iyo toban muhaajiriin ah lagu xiray heshiiska cusub ee UK ay la gashay Faransiiska, balse ma sheegin tiro gaar ah.
Dib u celintii ugu horreysa ayaa la filayaa inay dhacdo toddobaadyo gudahood – laakiin tirooyinka bilowga ah ayaa la filayaa inay yaraadaan.
BBC




