Canshuuraha Trump ee baddeecadaha loo dhoofiyo Maraykanka oo dhaqan galay
Canshuuraha Donald Trump ayaa si rasmi ah u howlgalay, iyada oo uu saamaynayo baddecadaha dalal badan oo gala gudaha Maraykanka, taasi oo kor u qaadaysa heerka qiimaha badeecadaha ee muddo ku dhow qarni. Canshuuraha ayaa si ballaaran u kala duwan, iyaga oo uga imaanaya 15 boqolkiiba Kuuriyada Koonfureed uguna gaaraya 50 boqolkiiba Brazil.
Waxaa jira kala duwanaasho dhowr ah iyo xaalado, oo in badan oo dowladaha iyo ganacsiyada ay yihiin kuwo weli ku jaah wareersan qiimaha ugu dambeeyay ee la isku canshuurayo.
Trump ayaa ballan qaaday xitaa canshuuro kale oo dheeri ah, oo ay ku jirto 100% qalabka yar ee elektarooniga (semiconductors) ee loo dhoofiyo gudaha Maraykanka.




