Askar Kenyan ah oo lagu qaaday weerar looga shakisan yahay Al-Shabaab
Siddeed askari ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhacay gaari ay saarnaayeen oo marayey wadada Banabs-Yumbis ee ismaamulka Gaarisa, sida ay sheegeen saraakiisha booliska.
Askartan ayaa ku socdaalaysay gaari booliis oo ah nooca nooca loo yaqaanno (MRAP) oo marayay halkaasi fiidnimadii Talaadadii, markaasi oo gaariga uu dulmaray walxaha qarxa.
Tani waxay ka dambeysay markii koox ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xuduudaha ay weerar gaadmo ah ku qaadeen oo ay rasaas ku fureen rag hubaysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda xagjirka ah ee al-Shabaab.
Waxa goobta soo gaaray gaari labaad oo ah nooca Land Cruiser oo ay la socdaan askar badan oo booliis ah si ay u badbaadiyaan askartii goobta ku go’dontay. Askarta ayaa loola cararay isbtaal iyaga oo qaba dhaawacyo halis ah .




