Dunida oo ka qaylisay muuqaallada la-haystayaasha Israa’iil ee Qaza oo la soo bandhigay ayagoo macluulaya
Hoggaamiyayaasha reer galbeedka ayaa cambaareeyay muuqaalada la-hayste u dhashay Israa’iil oo macluul ka muuqato kaas oo fidiyow looga duubay Qaza. Hay’ada Laanqeyrta Cas ayaa ku baaqaday in loo ogolaado sidii ay ku gaari lahaayeen la-haystayaasha.
Xoghayaha arrimaha dibadda UK, David Lammy, ayaa ku tilmaamay “sawirada la- haystayaasha oo loo adeegsanayo dacaayada in ay tahay wax laga naxo”, waa in lagu sii daayaa “shuruud la’aan”.
Baaqyadan ayaa soo baxay kaddib markii kooxda Islaamig Jihaad ay khamiistii soo saareen fidiyow ay ka duubeen Rom Braslavski oo caato ah, sidoo kalena ooynayana. Xamaas waxay iyagana Sabtigii soo bandhigeen muuqaalka Evyatar David.
Hoggaamiyayaasha Isra’iil waxay ku eedeeyeen Xamaas in ay la-haystayaasha gaajo geliyeen.
Garabka hubeysan ee Xamaas way beeniyeen in ay si ula kac ah gaajo u geliyeen maxaabiista iyagoo sheegay in la-haystayaasha la siiyo waxa ay dagaalyahanadooda iyo dadweynaha kale cunayeen intii ay socotay gaajada Gaza.
Wararka ka imaanaya Gaza waxay sheegayaan in Falastiiniyiinta sida weyn ugu baahan gargaarka marka ay yimaadeen xarumaha qeybinta gargaarka ee ku yaal meelo kala duwan Axadii in askarta Israa’iil ay rasaas ku fureen. Ugu yaraan 27 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa la dilay sida ay isbitaalada Qaza sheegayaan.
Braslavski oo 21 jir ah iyo David oo 24 jir ah waxaa laga afduubtay xafladii muusiga ee Nova 7-dii Oktoobar sanadkii 2023-kii. Waxay ka mid yihiin 49-ka la-hayste ee ka haray 251-dii markii hore Xamaas ay soo afduubteen .




