Netanyahu oo Xamaas ku eedeeyay arrin hadal-heyn ka dhalisay Israa’iil

Muuqaalka labo maxbuus oo Israa’iili ah oo laga duubay muuqaallo ay sii daayeen kooxaha hubaysan ee Falastiiniyiinta ee ku sugan Qasa, ayaa dareen naxdin leh ka dhaliyay Israa’iil, waxaanay taasi keentay in dib loo soo celiyo baaqyo ku aaddan heshiis xabbad-joojin ah oo lagu soo afjarayo dagaalka socda, maxaabiistana dib loogu celiyo qoysaskooda, xilli ay hay’adaha Qaramada Midoobay ka digayaan khatarta macluul ee Marinka.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa bayaan uu soo saaray fiidnimadii Sabtida ku sheegay inuu la hadlay qoysaska maxaabiista Rom Braslavsky iyo Eviatar David, kuwaas oo ka soo muuqday muuqaallada iyagoo u muuqda kuwo xaaladdooda ay aad u liidato ka dib ku dhawaad 22 bilood oo ay afduub ku haysteen.

Bayaanka ayaa lagu sheegay “in Netanyahu uu muujiyay sida uu uga naxay qoraalka ay daabaceen ururada argagixisada ah ee Xamaas iyo Islamic Jihad” isagoo carabka ku adkeeyay in “dadaallada ay sii socdaan iyadoo aan kala go’ lahayn si loo soo ceshado dhammaan la haystayaasha.”

Intii uu socday wadahadalka uu la yeeshay qoysaska maxaabiista, Netanyahu wuxuu cambaareeyay “arxandarrada Xamaas”, isagoo ku eedeeyay dhaqdhaqaaqa “in ay si ula kac ah gaajo ugu dilayaan maxaabiista” oo ay u diiwaangeliyeen dhibaatooyinkooda si “qaab daran” sida uu tilmaamay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker